Gallery Latest News

Doorashada Kenya 2022: Maxaa hortaagan shaacinta natiijada doorashada Kenya?

Posted on: 8/13/2022 5:24:48 PM | Back | Print

Waxaa dalka Kenya ka socota tirinta codadka doorashada Madaxweynaha iyadoo
si weyn ay isku hayaan Madaxweyne ku xigeenka William
Ruto iyo Ra'iisul Wasaarihii hore, Raila Odinga.

Sarkaal sare oo ka tirsan guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aan la jabsan nidaamka
tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Kenya xilli si weyn looga dhuursugayo natiijada
doorashada madaxtinimada ee Talaadadii ka dhacday Kenya.

"Arrin noocaas ah ma dhicin, waa xog khaldan" ayuu yiri madaxa fullinta ee guddiga doorashada Kenya ,
Marjan Hussein Marjan.

Baraha bulshada Kenya waxaa hareeyay eedeymo ku saabsan in natiijo been abuur ah la
geliyay xilli guddiga doorashada ay xaqiijinayaan codadka doorashada Madaxweynaha.


More Photos