Gallery Events/Photo Gallery

Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo soo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar.

Posted on: 12/29/2021 12:42:26 PM | Back | Print

Qaahira, August 18, 2021 — Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dardargelinta shaqadda Safaaradda iyo inu dib usoo celiyay bilicdii Safaraadda. sidoo kalle waxa uu howl wadeennada Safaaradda ku dhiirigelyay xoojinta howsha ay qaranka u hayaan. Intii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaare Rooble safaarada ayaa waxa uu xarigga ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha Safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay. Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweynaha Masar Madaxweyne Cabdifatah Al Sisi iyo mas’uuliyiin ka socota xukuumada Qaahira. DHAMMAAD. Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir; Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar. Facebook:https://www.facebook.com/SomaliainEgypt








Go to Top
Events/Photo Gallery